Header Ads

Germany vs Portugal


 Waxaa si wayn isha loogu hayaa ciyaarta (Uefa Nations League semi-final) caawa dhex mari doonta labada qaran ee Jarmalka iyo Boortiqiiska, waxaana guulaystaha ciyaartan uu u gudbi doona heerka kama danbaysta, ee Final-ka

Jarmalka iyo Boortiqiisku waxay isku arkeen kulamo badan oo heer caalamiya, iyadoo inta bada ay guushu jarmalka raacdo.

Ciyaartii ugu danbaysay ee ay Portugal kaga badso Genrmany waxay ahay sanaddii 2000, taasoo la macne ah, inaanu Boortiqiisku 25 sano kabadin xulka qaran Jarmalka, haddii uu boortiqiisku caawa badiyana waxay u noqon doontaa guushoodii ugu horraysay ee ay ka guulaystaan Jarmalka muddo 25 sano.

 

Goobta iyo saacada

Ciyaartu waxay ka dhici doonta karoonka waynee caanka ka ah qaarada Yurub, Allianz Arena, Munich-Germany, Laguna qabatay Final-kii ugu danbeeyay ee Uefa Champions League-ga oo ay ku guulaysatay Kooxda PSG. 

 

Xaaladda labada xul

 

Jarmalku waa dalka martida loo yahay, waxayna ciyaartoydoodu ku jiraan qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Xulka Jarmalku wuxuu leeyahay ciyaartooy tayo sare leh, oo ay ka mid yihiin: Wirtz, Leroy Sane, Jamal Musiala iyo Joshua Kimmich.

 

Boortiqiisku waa qaran caaan ah oo leh taariikh guun ah, Boortiqiiaka ayaa ciyaar adag wareegyadii hore. Boortiqiisku waxay leeyihiin ciyaartooy tayo fiican leh, sida:  Rafael Leão, Bernardo Silva, Rúben Diaz iyo Nuno Mendes.

Waxaa hogaaminaya xulka qaranka Boortiqiiska ciyaartooyga qayn ee Cristiano Ronaldo oo wali ah xiddig muhiim u ah qaran ka Boortiqiiska.

 

Saadaasha Ciyaarta

 

Labada kooxoodba waxay leeyihiin weerar iy daafac isku dheeli tiran.

Jarmalka ayaa laga yaabaa inay ka faa'iidaystaan taageerayaasha, maadaama gurigooda la joogo.

 

Betting Odds.  

Both teams to score (BTTS), Yes.

 

 

 

 

 

 

 

No comments

Powered by Blogger.