Header Ads

Euro Nations League Semi Final Germany 1-2 Portugal

 

 


Xogta ciyaarta oo kooban. 

Portugal ayaa garaacday Germany 2-1 kulankii semi-finalka UEFA Nations League. Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolka guusha qeybtii labaad ee ciyaarta oo ka dhacday Allianz Arena, Munich.

Waxyaabaha la taaban karo. 

Haafka hore ee ciyaarta, Jarmalka ayaa gacanta sare lahaa oo ciyaarta maamulayay, iyagoo abuuray jaanisyo wan wanaagsan, laakiin, gool-hayaha Bortiqiiska Diogo Costa ayaa ku mintiday oo diiday in gool laga dhaliyo, isagoo sameeyay badbaadino gool oo dhwra, ayna kamid ahaayeen labadii kubadood ee uu ka save gareeyay Leon Goretzka iyo Nick Woltemade.

Jarmalka ayaa gool la hormaray daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta, goolkaa oo uu u dhaliyay ciyaartoygooda afka hore ka ciyaara ee lagu magacaabo Florian Wiirtz, isagoo madaxa la helay baas cilmiyaysan oo uu soo farsameeyay kabtanka Jarmalka Joshua Kimmich, oo ay xalay u ahayd ciyaartiisii boqolaad ee xulka qaranka jarmalka.

Francisco Conceicao oo soo galay ciyaarra daqiiqadii 58-aad ayaa Boortiqiiska u dhaliyay goolkii rajada daqiiqadii 63-aad, isagoo ku cel-celiyay Saddexlaydii (Hat-trick) uu aabihii Sergio Conceicao ( waa koojkii hore ee kooxda AC Milan) ka dhaliyay Jarmalka sannadii 2000, taasoo ahay ciyaartii ugu danbaysay ee uu Boortiqiisku kaga badiyo Jarmalka.

Cristiano Ronaldo ayaa guusha u xaqiijiyay wadankiisa Portugal, isagoo u dhaliyay gool uu baaskiisa uu lahaa daafaca lagu magacaabo, Nuno Mendes.

Jawaabta Boortiqiiska.

ka dib markii ay hogaanka la wareegeen, tababaraha xulka qaranka Boortiqiiska Roberto Martinez ayaa sameeyay badallo Go'aan le, oo ay ku jiraan keenista Conceicao, Vitinha iyo Nelson Semedo, kuwaasoo dib u soo nooleeyay weerarkii Boortiqiiska. kooxdu waxay muujisay xasillooni iyo is fahan istaraatiijiyadeed, iyagoo awood u yeeshay inay xakameeyaan ciyaarta.

 

Xigasho.

We need to enjoy the victory – we won for the first time in a while against Germany. Tactically we were exceptional and our commitment helped. It was a team victory.
— Roberto Martínez, Portugal coach

Tababaraha Boortiqiiska ayaa yidhi hadal macnihuusu yagay "Waa inaan ku raaxaysannaa guusha, muddo dheer ka dib, waanu ka guulaysanay Jarmalka. Dhanka istraatiijiyada waxaanu ahayn kuwo heer sare, dagaalkayaguna wuu naga caawiyay, waxay ahay guul wadareed."  

Dhanka kale waxaa hadlay kabtanka Jarmalka Joshua Kimmich isagoo yidhi "Taasi waxay ahayd mid kamida ciyaarihii ugu xumaa ee aanu ciyaarro. waanu istaahilay in nalaga badiyo"

 Portugal waxay u gudubtay Final-ka koobka Nations League-ga, iyadoo wajihi doonta ciyaarta caawa France iyo Spain hadba kii soo baxa. 

Haddii Boortiqiisku ku guulaysto koobkan, waxay noqon doonaan qarankii ugu horeeyay ee labaysta koobkan, tan iyo waagii la bilaabay 2019-kii oo ay ku guulaysteen.

 

 

 

 

 

 

 

No comments

Powered by Blogger.